Maamulka degmada Afgooye oo cabasho ka muujiyey Isbaarooyinka kusoo batey wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho

0
75

isbaaroMaamulka degmada Afgooye ayaa qaylo dhaan baahsan ka muujiyey Isbaarooyin fara badan oo askarta ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ay dhigteen inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Gudoomiye kuxigeenka ayaa tilmaamay in Isbaarooyin aad u badan ay yaalaan Siinka dheer ilaa Carbiska kuwaas oo lacago baad ah laga qaado gaadiidka iyo dadweynaha ku safra wadadaas wuxuuna tilmaamay iney marar badan u sheegeen saraakiisha horkacaya askarta dowlada ee ku sugan deegaanadaas wax ka qabashada ciidamada dhibaatada ku haya shacabka balse waxa uu tibaaxay iney iska dhega tireen cabashada iyo qayla dhaanta ka imaaneysa shacabka ku dhaqan deegaanadaas.

Mahdi Axmed Xasan ayaa sheegay iney ku dhow yihiin ka tanaasulida shaqada ay u igmatay dowlada Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay maadaama ay wax ka qaban waayeen dhibaatada qaawan ee ay ciidamadu ku hayaan shacabkii ay masuulka ka ahaayeen.

Dhanka kale Taliyaha gaaska labaad ee ciidamada dowlada Soomaaliya C/laahi Cismaan Cagey ayaa sheegay iney ka warhayaan Isbaarooyinka yaalla wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in taliska Milateriga Soomaaliya ay diyaariyeen ciidamo iyo gaadiid gaar ah oo ka hawl gali doona wadadaas kuwaas oo waqti walba ka sameeya Roondo joogta ah oo ay kula dagaalamayaan kooxaha caadeystay dhibaateynta shacabka ku safra wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Daafeet.Com