Saraakiisha ciidamada dowlada ee Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo ka hor yimid shirka la filayo inuu beri ka fumo Kismaayo

0
79
Saraakiisha ciidamada dowlada ee Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxay sheegeen in xilligani ayan habooneen in Maamul Goboleed loo sameeyo Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo iyagoo arintaasina ku sababeeyey wada tashi la’aan iyo Beelaha wada dega Goboladaasi oo u baahan mar hore in loo qabto Dib u heshiisiin .
 
Col.Cabdi Cabdi Giije oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee Gobolada Jubbooyinka oo Wareysi siiyey Warbaahinta ayaa ku nuux nuuxsadey in ayan sahlaneen Howsha Maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo,isagoona sheegay in howshaasi Kismaayo in ay ka wadaan shaqsiyaad oo isku Beel ah oo taageero ka helaya Dowlada Kenya,taasina ma ahan ayuu yiri mid la aqbali karo.
 
Col.C/laahi ayaa su,asha ugu horeysa ee aan weydiiyey ayaa waxay ahayd inuu sharaxaad ka bixiyo waxa ay ku diidan yihiin Howsha Maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka,waxaana uu yiri?