Shirka maamul u samaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo beri Kismaayo ka furmaya

0
62

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka soconaya Qaban qaabada Shirweyne ay ka qeyb galayaan ergooyin fara badan oo ka kala yimid degaano ka tirsan gobolada Jubooyinka iyo Gedo,waxaana Shirweynahaasi la sheegay in ujeedadiisu ay tahay in maamul goboleedka Jubba-land looga dhawaqo, waxaana ka qeyb galaya masuuliyiin kala gedisan oo dhinacyo badan ka socda.

Masuuliyiinta shirkaas ka qeyb galaya ayaa waxaa ka mid ah gudoomiyaha maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) C/llaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag oo ahaa abaanduulihii ciidamadii isbaheysigii Dooxada Jubba ee sanado ka hor ka talin jiray Kismaayo iyo saraakiil ka socota urur goboleedk IGAD.

Halkan ka dhagayso warbixinta   Qaban-Qaabada-Maamul-Goboleedka-Jubboland-ok.mp3