Howlgalo maanta laga sameeyey qaar ka mid Degmooyinka Magalada Muqdisho

0
59

baritanCiidamada dowaldda Soomaaliya iyo kuwa AMIOSM oo isgarabsnaya ayaa howgallo ay ku qab-qabteen boqolaal qof waxay saakay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Dayniile ee gobolka Banaadir.

Howgalladan oo ahaa kuwo ay ciidamadu ku galayeen guryaha ayay kusoo qabqabteen 217-qof iyo hub la sheegay inay guryaha qaarkood ku arkeen, waxaana baaritaankan uu yimid kaddib markii xalay la weeraray saldhig ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin degmada Dayniile.

Taliyuhu wuxuu sheegay in intii ay howgalka ku jireen lagu tuuray ciidamada bambaano kuwa gacanta ah, taasoo aysan jirin cid wax ku noqotay, isagoo sidoo kale sheegay inay fashiliyeen miino dhluka lagu aasay oo la doonayay in ciidamada lagu qarxiyo.

Goobjoogayaal ka tisran dadkii xaafadaha la baaray ku suganaa ayaa sheegay in saakay laga xayiray inay aadaan shaqooyin iyo waxbarasho, iyagoo xusay in ciidamadu ay guryaha mid-mid u galayeen.

Ugu dambeyn, taliyaha gaaska labaad ee ciidamada xoogga dalka wuxuu sheegay in howlgalladan ay socon doonaan inta laga xaqiijinayo ammaanka guud ee magaalada Muqdisho.

Daafeet.Com