Waaxda dabagalka ee Golaha Amanka oo sheegtey in Alshabab ey caawinad ka hesho Iraan

0
77

alshabaGolaha amaanka ee Qaramada Midoobay gaar ahaan waaxda dabagalka ayaa sheegay inay baraayan warbixinada ku aadan taageero dowlada Iran ay siiso dagaalyahanada Alshabaab ee dhanka Yemen ka yimaada,waxaana xukuumada Tehran la weydiiyay inay joojiyaan taageerada kooxda xiriirka la leh Alshabaab ee ku sugan carada Yemen.

Bishii lasoo dhaafay ciidamada ilaalada xeebaha dalka Yemen iyo ciidamada badda Mareykanka ayaa qabtay gantaalo iyo sawaariiq oo xukuumada Sanca ay sheegtay in laga soo diray dalka Iran.

Marka loo eego warbixintii ugu dambeeyay ee kooxda dabagalka Qaramada Midoobay,ayaa waxaa lagu sheegay in iyadoo cunuqabateyn hubka ay saaran tahay Soomaaliya ,hadana badanaa hubka uu ka yimaado dhanka waqooyi ee dalka Soomaaliya.

Gaar ahaan Gobolada ku yaala maamul goboleedyada Somaliland iyo Puntland,iyadoo kadib loo soo gudbiyo koofurta dalka Soomaaliya oo sida aad ah ugu xoogan yihiin Al-Shabaab.

Wakaalada wararka Reuters oo soo xiganaysay diblumasiyiin sarsare oo ka tirsan Golaha ammaanka waxay daabacday in dagaalyahano ku sugan dhulka Yemen ay taageero ka helaan Iran,kadibna ay ku taageeraan Ururka Alshabaab ee Soomaaliya.

Daafeet.Com