Afhayeenka dhanka howlgalada ee Alshabab oo sheegey iney sii wadayaan dagaalada ey kula jiraan Dowlada

0
74

alshababUrurka Al-Shabaab ayaa sheegay inaysan marnaba joojin doonin dagaalka ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya ayna kula jiraan ciidamada AMISOM Dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka.

Afhayeenka dhanka howlgalada ee Ururka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Shabaab mar waliba ay u diyaarsan yihiin siiwadista dagaalka ay kula jiraan ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Abuu Muscab ayaa sheegay in go’aankooda uu yahay inay wadaan dagaalka guushana dhankooda ay xigi doonto sida uu tilmaamay.

“Nimanka masuuliyiinta meel waliba ha joogaan ama Madaxtooyada ha joogaan ama Villa Soomaaliya ha joogaan ama Gobalka Bari ha joogaan ku deynmayno waan kula dagaalamaynaa cadowga”Sidaasi waxaa yiri afhayeenka dhanka dagaalada ee Shabaab.

Daafeet.Com