Taliyaha Gaaska labaad ee ciidamada dowlada oo amar ku bixiyey in la toogto Askarigii dhigta Isbaaro wada isku xirta Xamar iyo Afgoye

0
60

cabdulaahi-cali-cageeyTaliyaha gaaska labaad ee ciidamada dowladda Soomaaliya, Jen. C/llaahi Cali Cagey ayaa sheegay in la toogan doono askarigii la arko isagoo isbaaro dhiganaya jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, kaddib markii dhowrkii casho ee lasoo dhaafay ay jidkaas kusoo badanayeen isbaarooyinka loo dhigayo gaadiidka.

Jen. Cagey ayaa sheegay in waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ay ka socdaan baaritaanno lagu xaqiijinayo in jidkaas ay shacabku ku maraan si nabadgalyo ah.

Shacabka isaga goosha magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo 30-km isku jira ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka cabanayay kooxo ku labisn dharka ciidanka dowladda oo jidka soo gala isla markaana dhac u geysanaya shacabka, gaadiidleydana ka qaadnaya laacago.

Guddoomiyaha degmada Afgooye, Cabdullaahi Cabdi Axmed ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aankan, isagoo sheegay in shacabku ay maalmahan ku jireen dhibaatooyin kaga imaanayay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo isbaarooyin soo dhigtay jidkaas.

Daafeet.Com