Ugu yaraan laba ruux oo mid ahaan yahay askari Itoobiyaan ah ayaa ku dhaawacmay qarax loo adeegsaday bam gacmeed oo maanta barqadii lagu tuuray dukaan ku yaalo suuqa afar irdoodka magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay.
Xaalada goobtii uu ka dhacay qaraxa ayaa degan iyadoo dhanka kalena gacanta lagu dhigay ruuxii bamka ku tuuray daukaankan oo ay xiligaasi ka dukaamaysanayay ciidamada reer Itoobiya ee jooga gobolka sida uu wariyeheena Wadajirradio Atlanta uu u sheegay Taliyaha Qaybta Booliska Magaalada Baydhabo Mahad Cabdirixmaan Aadan.
Halkan ka dhagayso faahfaahin uu bixiyay Taliyahabambay