Gudoomiyihii Ururka Ahlusuna Sheekh Maxamed Yusuf oo ku geeryoodey Magalada muqdisho

0
70

shekh mGuddoomiyaha Ururka Ahusunna Waljamaaca, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow ayaa ku geeriyooday isbitaal ay maamusho AMISOM oo ku yaalla Muqdisho, kaddib markii xanuun xalay kusoo booday awgiis loo keenay Muqdisho.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii isbitaalka ku booqday ayaa sheegay in xaalad aad u adag uu ku jiray markii uu isbitaalka kusoo booqanayay.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in Sheekh Xeefoow uu muddo dheer ka shaqeynayay sidii ay Soomaaliya ammaan ku noqon lahayd, isagoo xusay in taas lagu xasuusan doono weligiis.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland, C/llaahi Axmed Jaamac (Ilko-Jiir) oo isaguna ka hadlay geerida marxuumka ayaa sheegay inay tahay mid ay aad uga naxeen, wuxuuna tacsi u diray ehellada iyo cid walba oo garanaysay Sheekha Xeefoow.

Guddoomiyaha Ururka Ahusunna Waljamaaca, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow ayaa ku geeriyooday isbitaal ay maamusho AMISOM oo ku yaalla Muqdisho, kaddib markii xanuun xalay kusoo booday awgiis loo keenay Muqdisho.

Daafeet.Com