Taliyihii ciidanka Booliiska Afgooye oo xil ka qaadis lagu sameeyay.

0
123

afgoyeWararka ka imaanaya magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxay ku waramayaan in kulan halkaasi ka dhacay xilkii looga qaaday Taliyihii Ciidanka Booliska Degmada Afgooye Gaashaanle Ibraahim Diini Isaaq  halka Taliye Cusub oo ay yeesheen Ciidanka Booliska Degmada Afgooyena loo magacaabay Sayid Cabdi Qaadir Abiikar oo ah nin kasoo jeeda deegaanka.

Xil ka qaadistan iyo magacaabistan cusub ayaa timid ka dib kolkii wareegto kasoo baxday Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Genaral Shariif Sheekhuna Maye uu saxaafada u akhriyay gudoomiyaha degmada Afgooye  C/laahi  Axmed Iidey,

Sidoo kale ayaa kulanka waxaa  lagu soo bandhigay wareegtada xilka loogaga qaaday taliyihii hore ee booliiska Afgooye looguna magacaabay taliyaha cusub kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Nuur Siidii

Hadal kooban oo uu gudoomiye Siidi kulanka ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in kol dhow ay gobolku imaan doonaan ciidamo ka socda Amisom kuwaasi oo furi doona wadada isku xirta gobolka Shabeelaha hoose iyo Baay sidoo kalena ay ciidamada reer Afrika ee Amisom ay kol dhow howgalo ka samayn doonaan wadada u dhexaysa Afgooye iyo Awdheegle sidoo kalena ay gaari doonaan degmada Barawa
Waa Markii ugu horeysay ee xil ka qaadis lagu sameeyo Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Gobolka Shabeelaha hoose tan iyo markii la soo dhisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.