Alshabab oo lagala wareegey Deegaano hor leh oo ku yaala Gobolka Sh/Hoose

0
83

amisCiidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay la wareegay deegaanno hor leh oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo saraakiisha dowladdu ay sheegeen inay la kulmeen iska horimaadyo aan xoog badnayn.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo saxaafadda la hadlay howgalka kaddib ayaa sheegay in ciidamadu ay gaareen deegaannada Jannaale, Owdheegle, Bariirre iyo Kabtan-laas oo kawada tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Mar uu ka hadlay inay halkaas kasii socon doonaan iyo inay sii joogayaan ayuu sheegay inay halkaas ku sugi doonaan howgalkooda dambe, balse warar kale ayaa sheegaya in ciidamada dowladdu ay ku wajahan yihiin degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.

“Wax khasaare ah oo dhankeenna soo gaaray ma jiraan, mana garanayno khasaare Al-shabaab gaaray, balse waxaan xaqiijin karaa inay u carareen dhinaca degmada Kurtun-waarreey ee gobolka Shabeellada Hoose,” ayuu abaanduuluhu hadalkiisa ku daray.

Xarakada Al-shabaab weli kama aysan hadlin deegaannada cusub ee ay kala wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya, balse goobjoogayaal ku sugan deegaannadaas ayaa saxaafadda u xaqiijiyay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay deegaannadooda ku sugan yihiin.

Daafeet.Com