Gudoomiyaha Barlamanka Prof Jawaari oo gaarey Dalka Itoobiya

0
38

jawariGuddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wafdi uu hogaaminayo oo galinkii danbe ee shalay ka anbaxay magaalada Muqdisho ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Garoonka diyaaradaha Boli International Airport ee magaalada Addis Ababa ayaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya oo uu horkacayay guddoomiyaha baarlamaanka dalka Itoobiya iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dalkaas.

Safarka uu guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ku gaaray magaalada Addis Ababa ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu dalka uga anbabaxo tan iyo markii loo doortay xilka guddoomiyaha baarlamaanka 28-kii August-2012.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari waxaa socdaalkiisa ku wehliya Marwadiisa Marwo Xaawo Ibraahim Aadam,Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad, gudoomiyayaasha gudiyada baarlamaanka iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka.

Daafeet.Com