Maamulka Al-Shabaab ee Gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay geerida ku timid Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow oo ahaa Guddoomiyihii Golaha fulinta ee Ururka Ahlusuna Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Sheekh Xasan Yacquub oo ah Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Gobalka Galgaduud ayaa wuxuu sheegay in geerida ku timid Sheekh Xeefoow ay tahay arin farxad leh sida uu sheegay.
Wuxuu ku tilmaamay Sheekh Xasan Yacquub in Xeefoow uu ahaa qof dhibaato ku haayo shacabka Gobalka Galgaduud,ciidamo Ethiopiana uu geeyay Gobalkaasi.
Ahlusuna iyo Al-Shabaab dagaalo xoogan ayeey isaga soo horjeedaan waxa ayna ku dagaalamaan Gobalada dalka Soomaaliya haba ugu badnaatee Gobalka Galgaduud.
Daafeet.Com