Iran oo iska fogeysey iney Hub siiso Ururka Alshabab

0
82

iranIran ayaa iska fogeysay eedeyntii loo jeediyay ee ahayd inay hubeyso maleeshiyada al-Shabaab ee Soomaaliya.

Guddiga ay Qaramada Midoobay u xil saartay inuu kormeero cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa dhowaan sheegay in kooxda al-Shabaab ay hub ka hesho shabakado ku sugan dalalka Yemen iyo Iran.

Jamhuuriyadda Isaamka ee Iran ayaa eedeyntaas ku tilmaamtay ” been-abuur aan macquul ahayn,” sida xukuumadda Iran ay ku sheegtay warqad ay u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Danjiraha Iran u fadhiya Qaramada Midoobay, Mohammad Khazaee oo warqadda u diray Golaha Ammaanka ayaa si kulul u beenisay eedeynta, wuxuuna warbixinta guddiga dabagalka hubka ku tilmaamtay mid nasiib xumo ah, ayna ka muuqatay qayru-masuulnimo’.

Danjiraha wuxuu ka digay in magaca Qaramada Midoobay loo isticmaalo dacaayad , isagoo sheegay inay khatar gelin karto sida loogu kalsoonaan karo Golaha Ammaanka iyo Qaramada Midoobay.

Daafeet.Com