Gudomiyaha Barlamanka Prof Jawaari oo booqasho ku tegey Magalada Jigjiga

0
67

Jigjiga JawariGuddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta dowladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, iyadoo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaaladaas.

Wafdiga ayaa waxaa Addis Ababa kasii raacay madaxweynaha deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar iyadoo ay soo dhaweeyay mas’uuliyiinta kala duwan ee maamulkaas iyo waxgaradka degmada.

Sidoo kale, Prof. Jawaari iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa qoorta ubaxyo u suray wiil iyo gabar yar oo lasoo diyaariyay, iyadoo markii ay soo dageen kaddib loo galbiyay guriga martida ee magaalada Jigjiga.

“Waxaan aad ugu farxay sida heerka sare ah ee la iigu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga. Waxaana taas mahaddeeda u celinayaan shacabka iyo maamulka dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya,” ayuu yiri Prof. Jawaari oo warbaahinta kula hadlay guriga martida Jigjiga.

Intaas kaddib waxaa isna saxaafadda la hadlay madaxweynaha deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, isagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin in maanta ay yimaadaan degmada Jigjiga wafdigii ugu horreeyay oo ka socda Somalia muddo dheer kaddib. Wuxuuna xusay inta ay wafdiga joogaan inay wadaagi doonaan fikrado kala duwan iyo iskaashi.

“Safarkan aan halkan (Jigjiga) ku nimid waa mid taariikhi ah, waxaanu ka faa’iideysan doonnaa horumarrada ka jira magaalada,” ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad oo ah guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ahaa wafdiga.

Daafeet.Com