Kulan ay ka qaybgaleen Saraakiisha ciidamada Kenya,Itoobiya iyo Kuwa Dowlada oo ka dhacay degmada Luuq

0
81
luuqMaalinimadii shaley ayaa degmada Luuq ee Gobolka Gedo waxaa gaarey Xubno ka tirsan Gudiga Farsamada Maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka,iyagoo mudadii ay halkaasi ku sugnaayeena kulamo ku aadan howsha Maamul u sameynta iyo Turxaan bixinta khilaafaadka jira la qaatey Gudoomiyayaasha degmooyinka Luuq,Dolow iyo Baladxaawo,waxaana sidoo kale kulankaasi goob joog ka ahaa Saraakiil ka tirsan Dowlada Kenya.
Diyaad Cabdi kaliil oo ka mid ahaa Mas,uuliyiintii ka Qeyb gashey kulankaasi ayaa sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen in marka hore la isugu yimaado Shir weyne dhowaan ka furmi doono Magaalada Garbahaarey,si looga wada hadlo Khilaafkii soo kala dhaxe galey Madaxda Gobolka iyo Xubnaha kale ee ku mashquulsan Maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka.
Kulankaasi ayuu sheegay Gudiga Farsamada in ay ka socdeen Xubno ay ka mid yihiin Gen.C/Laahi Sh.Ismaaciil Farataag,Bile Cabdile iyo Saraakiil kale,halka Dhinaca Gobolkuna ay matalayeen Gudoomiyayaasha degmooyinka Luuq,Baladxaawo iyo Dolow,isagoo sheegayna kulankaasi in ay Goob joog ka ahaayeen Saraakiil ka tirsan Dowlada Ethopia.
Hadaba su,aasha ugu horeysa ee aan weydiiyey Diyaad ayaa waxay ahayd inuu faah faahin uu naga siiyo waxa looga arinsanayey Kulanaksaasi wuxuuna ku jawaabay