Dagaal u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan maamulka KMG ee degmada Kismaayo ayaa lagu soo waramayaa in saaka aroortii uu ka qarxay gudaha degmadaasi, iyadoona la sheegayo in labada dhinac ay isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Sida aan ku heleyno warar xog ogaal ah dagaalka ayaa ka bilowday nin ciidamo ka tirsan kuwa dhaq-dhaaqa raaskaambooni ay xalay ku xireen saldhigga degmadaasi, waxaana saaka goobtaasi weerar ku qaaday ciidamo kasoo jeeda beesha uu ka dhashay ninka la xiray.
Way adagtahay in la ogaado faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan iska-horimaadkaasi iyo weliba khasaaraha ka dhashay, maadaama ay hawada ka maqantahay isgaarsiintii degmadaasi.
Wararkeena danbe ayaan idinku soo gudbin doonnaa faahfaahin ku saabsan iska-horimaadkaasi iyo weliba khasaaraha ka dhashay.
Daafeet.Com