Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga ee soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa maanta si gooni gooni ah ula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu ka dhacay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ee Villa Soomaaliya iyadoo kulanka uu ahaa mid qaatay dhowr saacadood.
Markii uu soo dhamaaday kulankaas ayaa waxaa saxaafada si wadajir ah ula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo faah-faahin ka bixiyay waxyaabaha ay kawada hadleen.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in arimaha ugu muhiimsan ee kulanka ay kawada hadleen ay tahay sidii Dowladda Turkiga ay usii kordhin laheyd taageerada Dowlada Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay siiso.
Baker Bozdag Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga ayaa sheegay in ujeedka uu uyimid Magaalada Muqisho ay tahay sidii ay u kormeeri lahaayeen mashaariicda kala duwan ee Turkiga uu ka sameeyo Magaalada Muqdisho.
Daafeet.Com