Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, Baker Buzdag ayaa saakay soo gaaray Muqdisho,waxaana garoonka diyaaradaha ay kusoo dhaweeyeen wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka maaliyadda, Maxamuud Xasan Suleymaan, taliyaha booliiska, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye iyo xubno kale.
Baker Buzdag ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay wasiirro ka tirsan dowladda Turkiga uu ka mid ahaa wasiirka horumarinta dalkaas, iyagoo kulamo hordhac ah kula yeeshay garoonka diyaaradaha wasiirrada Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Muqdisho waxay la kulmi doonaan madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha, iyagoo kala hadli doona howlaha Turkiga uu kawado gudaha dalka.
Sidoo kale, wafdigan waxay ka qaybgeli xaflad lagu furayo iskuul, masjid iyo xero lagu xannaaneeyo agoonta oo ay dowladda Turkiga ka higelisay magaalada Muqdisho, taasoo qayb ka ah mashaariicda ay Soomaaliya ka wadaan.
Daafeet.Com