Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta soo saaray baaq ku aadan dagaalka kasoo cusboonaaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
“Waxaa dhawaan i soo gaartay inuu dagaal ka qarxay magaalada Kismaayo. Waxaana aad uga xunnahay in dhiig dad walaalo ah oo Soomaaliyeed si aan macno ahayn lagu daadiyo waqti ay dadka Kismaayo sugayeen inay maamul sameystaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku baaqayo in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka. Annagoo ugu baaqayna dhinacyada dagaalkaas ku lugta leh inay is xakameeyaa, kuna raadiyaan xalka qaab ku dhisan is qancin iyo tanaasul.
Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in shacabka deegaankaas ay xusuusinayaan in dagaal iyo xoog uusan ku jirin xalka ummadda. Balse uusan ku jirin dagaal iyo colaad.
Daafeet.Com