Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmahan dalka dibadiisa ku maqnaa ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday isagoo faah-faahin ka bixiyay kulamo uu lasoo qaatay madax ka tirsan Dowladda Ethiopia.
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in masuuliyiinta dalka Ethiopia ay isku afgarteen sidii loo horumarin lahaa habka federaaliisamka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa sheegay in masuuliyiinta dalka Ethiopia ay sidoo kale isla garteen sidii la isaga kaashan lahaa xaqiijinta dhanka ammaanka ee Gobalka.
Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay safar uu ku tagay ismaamulka Soomaalida ee kilinka Shanaad isaga oo sheegay inuu booqday Jaamacada Jig-jiga oo arday Soomaaliyeed ay wax ka bartaan.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in safar uu ku tagay dalka Kenya halkaasi oo ay kuwada kulmeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya oo ay kawada hadleen arimo dhowr ah.
Daafeet.Com