Waddooyinka magaalada Kismaayo ayaa maanta deggan kaddib dagaal shalay halkaas ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan maamulka ku-meel-gaarka ah.
Ciidamo isugu jira kuwa maamulka KMG ah iyo kuwa dowladda Kenya aya ilaalinaya waddooyinka magaalada kuwaasoo isku dayaya inay ka hor-tagaan wax kasta oo khalkhal gelin kara ammaanka.
Dhaqdhaqaaqa ganacsiga, gaadiidka iyo dadweynaha ayaa soo noqday, iyadoo adeegga isgaarsiinta oo shalay la jaray uu si caadi ah u shaqeynayo maanta.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ku-meel-gaar ah ayaa lagu soo warramayaa inay waanwaan ka dhex wadaan labadii dhinac ee shalay dagaallamay si xal looga gaaro dhibaatada dhacday, loogana hor-tago colaad hor leh.
Daafeet.Com