Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukun ku ridey dad ku eedeysnaa in ay ka danbeeyeen dilkii Sheekh/Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo kamid ahaa culimada waaweyn ee Soomaaliya.
Eedeysaneyaasha oo ay tiradoodu tahay 12- qof, islamarkaana ay 6 kamid ahi maxkamadda joogeen, waxaa dhamaantood lagu xukumay dil toogasho ah, iyadoo xukunkoodana uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland – laanteeda gobollada Bari, Karkaar iyo Sanaag- Cabdifataax Xaaji Aadan.
Gudoomiyaha maxkamadda ayaa ugu danbeyntii sheegay in eedeysaneyaasha xukunka lagu ridey ay haystaan muddo 30-maalmood ah, si ay racfaan uga qaataan xukunka ku dhacay. Dadka la xukumay oo uu ku jiro hogaamiyaha xarakada Al-shabaab ayaa kala ahaa sidan:
1- Axmed Cabdi Godane – Hoggaamiyaha Al-shabaab
2- Axmed Maxamed Cali (Mustaf)
3- Maxamed Maxamuud Saacadoole (Abu-hureyra)
4- Maxamed Abshir Cartan
5- Cabdiraxmaan Maxamed Cali
6- Cabdiqani Nuur Maxamed (Qorane)
7- Ruqiyo Xasan Maxamed Yuusuf \
8- Xasan Jaamac Xasan (Surato)
9- Cismaan Cabdirisaaq Saacid (Khaalid)
10-Mowliid Maxamed Aadan (Gaashaan)
11-Cabdiraxmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle)
12-Cismaan Axmed Qaasim (Ayuub)
Xukunkan ayaa imaanaya 14-bilood kaddib, markii magaalada Boosaaso lagu diley Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo kamid ahaa culimada waaweyn ee dalka.
Waa markii ugu horeysey sanadkan ee maxkamadda ciidamad qalabka sida ee Puntland – laanteeda gobollada Bari, Karkaar iyo Sanaag- ay xukunto dad lala xiriirinayo ururka Al-shabaab.
Daafeet.Com