Alshabab oo soo saartey Warsaxaafadeed ku aadan Doorashiyinka Dalka Kenya

0
122

shabaabXarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa soo saartay warsaxaafadeed ku aadan doorashooyinka aadka loo sugayo ee todobaadyada nagu soo aadan lagu wado inay ka dhacaan gudaha dalka Kenya, xilli loolanka dhanka siyaasadda ee dalkaasi uu saameyn ku leeyahay dagaalka Kenya ay ku soo qaaday Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay mudada 5-tii sanadood ee Mujaahidiintu ay ka arriminayeen dhulka ku teedsan xuduudaha Kenya iyo Soomaaliya in nabad-galyo buuxda ay heysteen dadka ree Kenya, balse arrinkaas uu meesha ka saaray go’aankii dawladdoodu ay ku gaartay iney qeyb ka noqoto duulaanka lagu soo qaaday Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay warsaxaafadeedka in sidaas oo ay tahay ay xilligan shacabka reer Kenya heystaan fursad muhim ah oo ay go’aan kaga gaari karaan mustaqbalkooda, marka loo eego doorashooyinka madaxtinimo ee aadka la isugu dhaw yahay oo billowga bisha March ka dhici doonta dalka Kenya.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegtay tan iyo markii ciidamada Kenya ay cagta soo dhigeen dhulka Muslimiinta Soomaaliya in dadka reer Kenya ay waayeen amnigii guud iyo midkii gaar ahaaneed-ba, iyadoona colaaddii ay Kenya ka riday Soomaaliya ay u gudubtay magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.

Mujaahidinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka in marna aaney ku khasaareyn dagaalka oo ay isaga difaacayaan kuwa kusoo xadgudbay, halka dadka reer Kenya in marnaba wax faa’iido ah aaney ka heli doonin duulaanka dawladdoodu ay ku soo qaaday Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay XSHM ayaa imaanaya waqti aad loo wada sugayo doorashooyinka madaxtinimo ee dalka Kenya, iyadoona doorashooyinkii sanaddii 2008-da ay ka dhasheen rabshado baahsan oo kumanaan dad ah ay ku dhinteen.

Daafeet.Com