Xaalada degmada Buurhakaba ayaa saaka degan halkaas oo ay ciidamadu shalay ka xoreeyeen maleeshiyaadka Shabaab, waxaana socda howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada.
Dadka ku nool degmadaasi iyo nawaaxigeeda ayaa ciidamada si diiran usoo dhaweeyey, ayagoo ruxaya calanka Jamhuurayada islamarkaana dareemaya neecawda xoriyada muddo Afar Sano kadib.
Ciidamada ayaa fariisimo istiraatiiji ah ka sameystay duleedyada magaaladaasi, waxaana la filayaa maanta in ciidamadu u ruuqaansadaan dhanka Deynuunaay, si ay isugu furaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Beydhabo oo ay hadda Shabaabku ka joogaan wax ka yar 30 Kiilo Mitir.
Abaanduulaha ciidamada XDS Gen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan ayaa ciidamada kula dardaarmay in aysan ku xadgudbin shacabka, isagoo ku hanjabay in askarigii lagu arko fal wax u dhimaya shacabka uu la kulmi doono ciqaab adag.
Daafeet.Com