Shirkii maamul u sameynta gobollada Jubooyinka ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, iyadoona madasha shirka ay ku sugan yihiin ergooyin ka kala yimid gobollada Jubooyinka iyo Gedo.
Shirka ayaa ka furmay xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ku taal duleedka magaalada, waxaana maanta lagu furmay shirka qudbado hordhac ah oo ay jeedinayeen qaar ka tirsan xubnihii kasoo qeybgalay shirka.
Gudoomiyaha gudiga farsamada ee shirka maamul u sameynta Jubooyinka Macalim Max’ed Ibraahim oo goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in maanta uu si rasmi ah u furmay shirkii maamul u sameynta Jubooyinka oo mudo dheer ay qabanqaabadiisa ka socotay magaalada Kismaayo.
Sidoo kale waxa uu sheegay in shirkani ay ka qeybqaadan doonaan ilaa 800 oo ergo oo ka kala iman doonta gobollada Jubooyinka iyo Gedo, isagoona intaa ku daray in ay sugayaan ergo uga iman doonta dowladda Soomaaliya iyo kuwa kale oo laga sugayo dhanka gobolka Gedo, kuwaasoo uu xusay in la filayo in ay isla maanta yimaadaan.
Shirka ayaa waxaa goob joog ka ah Odoyaal dhaqameed, Salaadiin, siyaasiyiinta iyo waxgarad ka kala yimid gobollada Jubooyinka iyo Gedo, waxaana sidoo kale goobta ku sugan masuuliyiinta maamulka KMG ee Kismaayo.
Magaalada Kismaayo ayaa maanta si weyn looga hadal hayaa arinta shirka maamul u sameynta gobollada Jubooyinka ee furmay, iyadoona ammaanka magaalada ay siweyn u sugayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni.
Daafeet.Com