Bandhig Faneed lagu caawinaayo Derbijiifka Muqdisho oo xaley lagu qabtey Magalada Muqdisho

0
35

lafoleBandhig faneed ay ka qaybgaleen boqolaal qof oo loogu talo-galay in dhaqaalaha kasoo baxa lagu caawiyo caruurta darbiyo jiifka ah ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Fannaaniinta kasoo qeyb gashey bandhig faneedkan ayaa waxaa ka mid ahaa: Maxamed Lafoole, Farxaan Xidig, Raxma Ruuxiiyo Faadumo Duur oo kasoo laabtay qurbaha ayaa heeso ka qaadanayay bandhig faneedkan oo uu soo qabanqaabiyay maamulka gobolka Banaadir, waana kii ugu horreeyay noociisa oo lagu qabto Muqdisho muddo ka badan 22-sano.

Gabagabadii barnaamijka ayaa waxaa goobta ka hadley Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarzan wuxuuna sheegey in arrintan tusaale u tahay in mujtamaca Soomaaliyeed uu isku soo laabanayo, uuna is-caawiyo.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Waxaan rabnaa in tujaarta Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan sidii mustaqbalka caruurta dhedeenna ku dayacan loo badbaadin lahaa. Waana wax laga wanaagsan yahay in cunug shan jir ah uu dhibaatada haysata awgeed uu koollo u dhuuqo si uu isku illowsiiyo dhibaatada haysa, taasna mid ceeb ku ah bulshada Soomaaliyeed.”

Intaas kaddib waxaa goobta ka hadashay Faadumo Duur oo ah fannaanad Soomaaliyeed oo sheegtay inay u soo guurtay dalka oo aysan doonayn inay mar dambe dib ugu laabato qurbaha, waxayna ballanqaaday inay codkeeda ku taageeri doonto sidii caruurta Soomaaliyeed ee dayacan wax loogu qaban lahaa.

Daafeet.Com