Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inay si dhaqso badan ugu rarayaan howsha tababaridda ciidamada Soomaaliya gudaha magalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, halkaasoo lagu tababari doono ciidamada Soomaaliya.
Madaxa howgalka tababarka ciidamada Soomaaliya ee Midowga Yurub, Bri-Jen. Gerald Aherne ayaa wariyeyaasha ugu sheegay Arbacadii lasoo dhaafay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium in howsha tababarka Uganda ee ciidamada Soomaalida ah loo wareejin doono Muqdisho.
Balse wuxuu sheegay inay u baahan yihiin saddex arrimood oo kala ah: inay saraakiisha tababarka bixiaya ay helaan fursad nabadeed oo ay ku shaqeyn karaan, qalabkii ay ku shaqeyn lahaayeen oo Muqdihso la geeyo iyo weliba iyo dawooyin.
Howsha ay Midowga Yurub ku tabarayaan ciidamada Soomaaliya ayaa waxay socon doontaa illaa bisha Maarso 2015, taasoo ay isku raaceen dhamaan xubnaha EU-da oo shir ku yeeshay xaruntooda Belgium.
Daafeet.Com