Deeq bixiyeyaasha Aduunka oo sheegey iney sii laba jibaari doonaan deeqaha ey siiyaan Dalka Somaliya

0
87

Soomaaliya oo haatan laga dareemayo nabad ayaa wadamada ugu badan ee deeq bixiyaasha waxay sheegeen inay sii kordhinayaan dadaalada ay ku doonayaan inay ku horumariyaan Soomaaliya,iyagoo sheegay in isbuucyada soo aadan la dareemayo taageero hor leh.

Waxay sheegeen wadamadaan oo ka mid ah Mareykanka,Britain iyo Shiinaha inaysan ka jiifan doonin dib u dhiska wadanka dagaalada ay soo mareen ee Soomaaliya,iyagoo si gaar ah u xusay inay horumarinayaan waxyaabaha aas-aasiga ee shacabka lama huraanka u ah.

Wadamadaan deeq bixiyaasha ayaa mar Soomaaliya ku tilmaamay wadamada ugu qatarta badan balse haatan waxay meesha ka saareen fikradoodii hore ee Soomaaliya ay la meel dhigeen wadamada guuldareystay.

Wadanka Mareykanka oo kamid ah wadamada inta badan taageera Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada Soomaaliya haatan uu marayo,wuxuuna garwaaqsaday in Soomaaliya haatan waxa kaliya ay u baahan tahay ay tahay gargaar dhinac walbo leh.

Daafeet.Com