Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa ka hadlay doorashadii Baarlamaanka dalka Jabuuti ee dhawaanahan mucaaradka ay hadal hayeen in la musuq maasuqay.
Isaga oo u waramaye laanta afka Soomaaliga ee Voa-da ayaa wuxuu sheegay Madaxweynaha Jabuuti in wararka sheegaya in la musuq maasuqay doorashada ay yihiin kuwa been ah islamarkaana doorashada ay u dhacday qaab wanaagsan oo cadaalad ah.
Ismaaciil Cumar Geele ayaa sheegay inay jiraan dad doonaya inay qal-qalgeliyaan ammaanka dalka Jabuuti kuwaasi oo ganbaad ka dhiganaya natiijada doorashada Baarlamaanka dalkaasi ka dhacday.
Sidoo kale Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in dad gaaraya 40-qof ay u xiran yihiin rabshado ka dhacay dalkaasi kuwaasi oo dhawaan maxkamad lasoo taagi doono.
Daafeet.Com