Reysulwasaraha Dowlada Federalka Somaliya oo ku tilmaamey sharci daro shirka ka socda Kismaanyo

0
36

sacidRa’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa shraci-darro ku tilmaamay shirka maamul u samaynta gobollada Jubbooyinka ee Khamiistii ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan raalli ka ahayn shirka ka socda Kismaayo oo uu tilmaamay in loo maray hab qaldan.

Ra’iisul wasaaraha wuxuu sheegay in shirka Kismaayo ka socda uu shacabka gobollada Jubbooyinka u horseedayo in dib loogu noqdo dhibaato laga soo gudbay.

Wuxuu sheegay in dadka shirka ku howlan ay faraha kula jiraan howshii ay dowladda Soomaaliya qaban-lahayd.

Cabdi Faarax Shirdoon wuxuu caddeeyay in dowladda Soomaaliya aanay ka hor-jeedin maamul ay dhistaan dadka ku nool gobolladaas, balse ay saluugsan yihiin nidaamka sida loo wado, madaama aan lagu tixgelinin dowladda.

daafeet.Com