Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka G/ka Bay Dr. Abdi Aadan Hoosow ayaa Maanta Kulan laqaatay Odeyaaha Dhaqanka ee soo xuley Baarlamanka Soomaliya .
Kulanka ayaa ahaa mid lagu soo qaaday Taageerada balaaran ee odeyaasha dhaqanka D&M ay u haayaan Maamulka uu Hogaamiyo Abdi Adan Hoosow .
Malaaq Malaboow oo Kamid ah Odeyaasha dhaqanka ayaa ku booriyey Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka G/ka Bay in uu Kashaqeeyo Midnimada & Caddaaladda isla markaana uu ka fogaado nin jeceleysi & Qabyaalad . Malaaq Shiine oo ka mid ah Salaadinta D&M ayaa ka dalbaday Gudoomiyaha Cusub in uu taageero Hamiga ay Bulsho weynta D&M ay u qabaan Dhismaha Dowlad Goboleedka Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaliya ayna tahay Sababta lagu doortey Aqoonyahan Abdi Aadan Hoosow oo Kamid ahaa Dadka u Ololeynaayay in ladhiso Dowlad Goboleedka Koonfurta Galbeed Soomaliya.
Waxaa kaloo madasha kahadlay Malaaq Shariif Cali Xasan oo sheegey inuu aad ugu Faraxsanyhay in Dowlada Ay Hergeliso rabitaanka Shacbiga D&M oo ay wakiilka kayihiin odeyaasha dhaqanka
Gudoomiyaha G/ka Bay Dr. Abdi Aadan Hoosow ayaa sheegey in Maamulkiisa uu yahay Mid wax ku raadinaaya Rabitaanka Bulshada oo loo Maraayo wada tashi guddoomiyaha ayaa sheegey inuusan wax dhib ah u geysan doonin Shacabka ku dhaqan Gobolka Bay inta uu Xilka Haayo.
Asagoona sheegey Ardayga &Hawenayda Caanaha Keenta Suuqa Baydhabo ay dhihi karaan Gudoomiye way nagu badan tahay Canshuurta waxaana uu ku dheeraaday in shacabka loogu baahan yahay in ay ka shaqeeyaan Nabada & Horumarka
Bulsho weynta Ku nool G/ka Bay ayaa Buux dhaafiyey Aqalka uu Magaalada Bayadhabo ka deganyahay Gudoomiyaha Gobolka Bay Dr.Abdi Aadan Hoosow Tan & intii Xilka loo dhiibey taa oo Muujinaysa in shacabka ay la dhaceen Maamulka uu Hogaaminaayo Abdi Aadan Hoosow
Max’ed ISaaq Ibraahim {Eng Aflow} Baydhabo Janaay
Daafeet.com