Gudoomiyaha Maamulka G/ka Baay Dr. Abdi Aadan Hoosow ayaa Xariga kajaray Olalaha Ciribtirka Cudurka Dabaysha
Munaasabad Balaaran oo ay kasoo qayb galeen Mas’uulyinta Maamulka G/ka Bay & Kan Degm ada Baydhabo Qeybaha kala duwan ee urarada Bulshada Waaladiinta Afarta Xaafadood ee Magalada Baydhabo & wakiilo Kasocday Hay’addaha Caafimaadka WHO & unicief.
Ugu horeyn waxa goobta kahadlay Mas’uuliyinta Hay’addaha Mashruucan Fuinaayay ayagoona ku dheeraadey Muhiida uu leeyahay Talaalka waxayna ku boriyeen Bulshada kudhan G/ka Bay in ay ka faa’ideystaan Mashruuca Olalaha Talaalka.
Gudoomiye Kuxiigenka Maamulka Degmada Baydho C/qaadir Sheekh Cali {Barako} ayaa sheegey in ay soo dhawaynayaan Mashruucan Tallaalka isla markaana looga baahanyahay Bulshada in ay ka faa’ideystaan.
Gudoomiyaha G/ka Bay Dr. Abdi Aadan Hoosow ayaa sheegey inta olalaha Talaalka uu yahay Shay’ Muhiim u ah Caruurta Dr. Hoosow aya Balan qaada y In Maamulkiisa uusan Sharuudo ku xiri doonin Cid.welibo Kashaqaynay sa Horumarka oo Qeyb ka ah Caafmaadka islamarkaana waxa uu amaanay Hay’addaha Mashruucan Fulinaya & Wakiilada Howshan Soo Dhameeyay.
Gudoomiyaha G/ka Bay ayaa Hay’addaha Samafalka Ugu Baaqay in ay Door Muhiim ah ay kaqaatan Soo Celinta Bilacda Magaalada Baydhabo ayna lashaqayaan Maamulka Cusub.
Olalaha Talaalkan ayaa kusoo aadaya Xili Gudoomiyaha Cusub Maamulka G/ka Bay oo xilkii kala wareegay Gudoomiyihii hore ee Maamulka G/ka bay.
Daafeet.Com