Shir wadatashi ah oo Maalmahan Magaalada Garbahaarey uga soconayey Ergooyin ka badan ilaa 45 ruux oo ka kala Socdey Mas,uuliyiinta Dowlada Gobolka Gedo iyo Xubno ka socdey Ururada Bulshada Rayidka oo gaarayey ilaa 17 xubnood ayaa gebagebadii shirka waxaa ka soo baxay Go,aano ay wada gaareen Xubnahii ka qeyb galey Shirkaasi.
Nuur Siyaad Ilix oo ah Afhayeenka Shirka Wadtashiga ah ee Garbahaarey oo shir Jaraa,id ku Qabtey Garbahaarey ayaa sheegay in ay go,aan ku gaareen in aanan laga Qeybgelin Xilagan Shirka ka furmay Kismaayo,isagoo sheegayna shirkaasi in uusan Quseyn Gobolka Gedo.
Nuur ayaa waxaa uu intaasi ku darey in marka hore la xoreeyo Gobolka Gedo degmooyinka ka maqan iyo weliba deegaanada kale ee Gobolada Jubada hoose iyo Dhexe oo ka maqan gacanta Dowlada,si arimahaasi loo fuliyo waxuu Gudiga ku heshiiyey in Xiligan ayan haboonayn ku mashquulida Maamul u sameynta Jubbooyinka.
Halkan ka dhegayso