Shirkii ka soconayey Magaalada Kismaayo ee looga arinsanayey Maamul u Sameynta Gobolada Jubbooyinka ayaa galey maalintii 3aad hakad,ka dib markii Ergooyinkii laga filayey in ay ka yimaadeen Gobolka Gedo uu ku yimid hakad iyo weliba xaalada Cakiran ee ka taagan Dowlada oo aanan weli taageerin shirkaasi.
Dhinaca kalena Sida ay sheegeen waxgaradka Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo ayaa ku wareejiyay talada dhisida maamulka Jubbaland ee iminka shirkiisa uu ka socdo Magaalada Kismaayo.
Halkan ka dhegaysowararkii ugu dambeeyey Shirka Jubboland