Ugaas Maxamed Weli"Axmed Madoobe imisa jeerbaa laga cayriyay Kismaayo mow quusto"

0
63

ugaaskaUgaas Maxamed Weli Sheekh Axmed Nuur oo ka mid ah Hogaamiyayaasha Dhaqanka Beesha SADE ee Gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadley Mowqifkiisa iyo Aragtidiisa ku aadan howsha Maamul u Sameynta Gobolada Jubbooyinka ee haatan ka Socoto Magaalada Kismaayo,isagoo  shirkaasina ku tilmaamay mid aanan ka soo bixi doonin wax natiijo ah.

 

Ugaas Maxamed Weli ayaa waxaa uu intaasi ku darey haddii xaalada aya sidan ku socoto,islamarkaana aanan loo hogaansamin Nidaamka iyo rabitaanka shacabka in ay keeni karto khilaaf soo kala dhex gala Beelaha dega Goboladaasi,isagoona ka digey dagaalo sokeeeye oo dhex mara Beelaha wada dega Gobolada Jubbooyinka.

 

Waxuuna dhaliil uu u jeediyey Ra,isalwasaaraha Soomaaliya oo ku tilmaamay ,mas,uul lagu wareeray ,islamarkaana aanan si biuxda u Cadeynin mowqifkiisa ku aadan Jubbooyinka,waxuuna dhinaca kale ku eedeeyey Dalalka Kenya iyo Ethopia  in ay dabada ka riixayaan howsha Maamul u sameynta Jubbooyinka oo uu tilmaamay in lagu kala aragti duwan yahay.

 

Hadaba Su,aasha ugu horeysa ee aan weydiiyey ayaa waxay ahayd sida uu u arko shirka Maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka ee haatan ka socota Magaalada Kismaayo,waxaana uu ku jawaabay?

Ugaas Maxamed Weli oo ka soo hor jeestay Maamul U sameynta Jubbooyinka