Ciidamo ka tirsan Dowlada iyo Alshabab ayaa maanta ku dagaalamey duleedka Degmada Afgooye kaasoo geystey qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac Inta la ogyahay 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray.
Dagaalkan ayaa qarxay markii xoogagga Al-shabaab ay weerar lama filaan ah ku qaadeen ciidammo ku sugnaa koontarool lacago looga qaado gaadiidka, iyadoo dagaalku uu socday muddo saacad ka badan.
Mas’uul u hadlay maamulka gobolka Shabeellada Hoose si kooban uga hadlay dagaalka ayaa sheegay inay ku dileen afar dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan ayna ku qabsadeen gaari dagaal oo ay Al-shabaab wateen, isagoo xusay in dhankooda aysan jirin khasaare kasoo gaartay dagaalka.
Sarkaalka u hadlay maamulka gobolka oo lagu magacaabo Mahdi Xasan ayaa ku daray hadalkiisa in ciidamada ay dagaalka la galeen ay ahaayeen kuwii kasoo baxay degmada Buur-hakaba, isagoo xusay in goobtii uu ka dhacay dagaalka ay iyagu ku sugan yihiin.
Al-shabaab kama aysan hadlin weli dagaalka ay la gashay ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo Al-shabaab ay dagaalladeeda u bedeshay kuwo ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah.
Daafeet.Com