War uu soo saaray ayuu ku sheegay xoghaya guud ee Qaramada Midoobay in si weyn uu ula dhacay go’aanka Maxkamada racfaanka ay ku sii daysay Haweeneydii loo haystay arimaha kufsiga ee xabsiga ugu jirtay xukuumada Soomaaliya,isagoona wali ka walaacsan Xukunka kale uu ku dhacay Cabdi casiis Koronto inkastoo laga yareeyay mudada halka sano ah ee horay loogu xukumay.
Banki Moon ayaa Xukuumada Soomaaliya ugu baaqay inay hubiso eedeymaha la xariira galmada,islamarkaana ay ku sameyso baaritaano rasmi ah si kuwa ku cadaata loo horkeeno cadaalada.
Dhanka kale Mareykanka ayaa dhankiisa ka soo dhaweeyay go’aanka Maxkamada ee ku aadan siideynta Haweeneydii sheegatay inay kufsadeen askar ka tirsan Xukuumada Soomaaliya.balse waxay caqabad ku tilmaameen Go’aanka kale ee maxkamada qaadatay wariye Cabdi-Casiis.
Mareykanka ayaa tilmaamay inay raacsan yihiin fikrada ah in Wariye aan lagu xiri karin,isagoo howlihiisa shaqo gudanaya.
Sidoo kale dowlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in kiiska arimahan la xariira ay u baahan tahay baaritaano dheer,islamarkaana lagu deg degin.
Daafeet.Com