Madaxweynihii Venezuela, Hugo Chavez ayaa labadii sano ee ugu dambeysay la xanuunsanayay kansarka (Cancer) oo dhowr jeer looga daweeyay dalka ay dariska yihiin ee Cuba ayaa ugu dambeyn u geeriyooday.
Nicolas Maduro oo ah madaxweyne ku xigeenka dalkaas oo maqribnimadii Talaadada ka hadlay telefishinka Qaranka ayaa ku dhaawaqay warka ku aabsan geerida madaxweyne Chaves.
Chaves in muddo ah goob fagaare ah laguma arag tan iyo markii laga helay cudurka halista ah ee Kansarka, waxaana aad u yara akhbaarta ku saabsan xaaladda xanuunka madaxweyne Chaves, iyadoona dad badan oo ka tirsan mawaadiniinta dalkaasi ay sameeyeen dibad-baxyo ay ku dalbanayeen inay helaan xogta hoggaamiyahooda ay jeclaayeen.
Hadal kasoo baxay militeriga ayaa lagu sheegay inay ilaalin doonaan qarannimada, sumcadda iyo ammaanka dalkaas, isla markaana ay daacad u noqon doonaan oo ay hoos-tagi doonaan madaxweyne ku xigeenka iyo baarlamaanka haatan jira.
Geerida ku timid madaxweynihii Venezuela ayaa waxaa ka hadlay dowladdo badan oo ku yaalla waqooyiga Ameerika, gaar ahaan kuwa ay dariska yihiin iyo waliba Mareykanka, waxayna dhammaantood sheegeen inay ka xun yihiin geerida Chaves.
Daafeet.Com