Madaxweyne Dowlada fedralka somaliya oo ka hadley isbedelada ka dhacaya dalalka deriska la ah Somaliya

0
88

xasanMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Qadar ayaa waxa uu ka hadlay isbadalada ka socda Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah iyo sidoo kale qaban qaabada Shirka arrimaha Garsoorka looga hadli doono.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in isbadalada dhinaca hogaanka ee dalalka Soomaaliya, iyo Ethiopia ay ku tarjumeysi sida la isugu soo dhawaanayo oo looga gudbayo caqabadaha si loo gaaro iskaashi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisaan uu ku yimid su’aalo ay weydiiyeen dad isugu jiray Soomaaliya iyo ajaanib ayaa mar wax laga weydiiyay arimaha Garsoorka waxa uu sheegay inay socoto qaban qaabada Shir looga tashanayo garsoorka kaasi oo dhici doona buu yiri todobaadyada soo socda.

Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa hogaan cusub yeeshay kadib markii ay ka baxeen kuwii hore, waxaana hada la filayaa in Kenya oo doorashadeeda ay soo dhamaatay ay kusoo biirto isbadalka.

Daafeet.Com