Maamulka Somaliland ayaa si weyn ugu soo horjeestay qorshaha la doonayo in lagu qaado cunaqabateynta hubka ee saarana Soomaaliya.
Wasiirka difaaca Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in haddii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oggolaado in la qaado cunaqabateynta hubka ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo saameyn ku yeelata Bariga Afrika.
Wasiirka ayaa sheegay in ay si weyn ugu walwalsan yihiini in hub casri ah uu soo galo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in taasi ay wiiqi karto nabadda iyo amniga maamulka Somaliland ee muddada 20-ka sano ah uu ka shaqeynayay.
Wuxuu sheegay in haddiiba cunaqabateynta hubka la qaadayo laga wada qaado Soomaali oo dhan, balse aysan oggolaan karin sida uu hadalka u dhigay in koox cunaqabateynta hubka laga qaado, kooxna ay cunaqabateynta sii saarnaato, isagoo taas ku tilmaamay in beesha caalamka ay dad gooni ah garbaduub ku hayaan.
Cadami ayaa u jeediyay dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammanaka ee Qaramada Midoobay in ay ka fiirsadaan go’aanka ku aaddan qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Daafeet.Com