Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aankii shalay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu sida aqlabiyadda leh ugu ansixiyay in muddo hal sano ah la qaado cunaqabataynta hubka ee saarnayd Soomaaliya labaatankii sano ee la soo dhaafay.
“Waxaa jirta xisaabtan iyo masuuliyad la socota go’aankaas. Go’aanka Golaha Ammaanka wuxuu si sax ah ula socdaa isbeddelka cusub ee siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya,” ayuu war-saxaafadeed ku yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in kumannaan ciidanka xoogga oo tababar ku soo qaatay dalalka saaxiibbada la ah Soomaaliya kuwaas oo dalka dib ugu laabtay aanay haysan qalab ku filan oo ay ku gutaan howlahooda.
“Dowladda waxay u mahad-celineysaa Golaha Amniga, qaddarintooda iyo fahamkooda, waxayna dowladda Soomaaliya masuuliyad iska saareysaa dhammaan sharciyada iyo shuruudaha la socda go’aanka Golaha Amniga ay gareen, si waafaqsan nidaamka, kuna dhisan hufnaan.”
Daafeet.Com