Reysulwasaaraha oo ka warxibiyey socdaalkii uu beryahan ku soo marey Gobolka Galgaduud

0
55

SomaliRa’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa galabta shir Jara’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa kaga warbixiyay safarkii uu ku tagay degmooyin ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya iyo cunno-qabateyntii hubka ee laga qaaday Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in safarkii uu ku tagay gobolka Galguduud ee Soomaaliya uu ahaa mid kusoo dhammaaday guul; isagoo sheegay inuu gobolkaas kusoo arkay dad u heelan dowladnimada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa soo hadal qaaday heshiiskii dhex-maray Ahlusunna Waljameeca iyo dowladda Soomaaliya kaasoo ah mid dowladda ugu fadhiya muhiimad gaar ah marka laga eego dhanka dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta dalka.

Dhanka kale, ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay cunno-qabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya taasoo fursad u siinaysa dowladda inay tayeyso ciidamadeeda.

“Aad ayaan u soo dhaweynaynaa in laga qaado Soomaaliya cunno-qabateynta hubka, waana dadaal ay dowladdu samaysay muddadii yarayd ee ay jirtay, taas macnaheedu maahan in hubka dowladda gacanteeda soo gala loo maamulayo qaab qaldan, arrinkaas waxaa naga saaran mas’uuliyad taasoo ah in shacabkeenna uga difaacno kooxaha nabad-diiddan, maxaa yeelay dowladda waxaa mas’uuliyadi ka saaran tahay sidii ammaanka loosoo celin lahaa, waxaan u muujinaynaa niyad-wanaag dadka ka qaba walaacana waxaan u sheegaynaa inay ku kalsoonaadaan in hubkaas loo isticmaalo si masuuliyad daro ku jirto,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in cuna qabatayta hubka ee la qaaday ay muujinayso dhamaystirka qaranimadii Soomaaliya, maxaa yeelay ma jiro aduunka dowlad aan xaq u lahayn inay soo iibsato hub ay ku difaacdo dadkeeda.

Daafeet. Com