Raysal wasaaraha dalka Yemen, Mohammed Salem Basindwa ayaa ka hadlay xaalada dalka Soomaaliya hada ay ku sugan tahay,isagoona tilmaamay in Soomaaliya cagta saartay wadadii horumarka iyo cadaalada.
Raysal wasaraaha Yemem ayaa waxyaabihii uu ka hadlay ee Soomaaliya quseeyay ka mid ahaa Nabadgalyada,horumarka iyo sidii dowlada Yemen u gacan qaban lahayd Xukuumada Somaaliya oo iminka dadaal ugu jirta sidii ay ku hanan lahayd hanaanka dowladnimo ee dalka Soomaaliya.
Basindwa ayaa hadalkiisa intaasi raaciyay in Xukuumada iyo shacabka Soomaaliyeed u baahan yihiin in laga gacansiiyo gaaritaanka hadafka iyo u jeedka ay leeyihiin oo ah in Soomaaliya lagu soo dabaalo Nabadgalyo iyo xasilooni.
Wuxuu hoosta ka xariiqay Raysal wasaaraha dalka Yemen,in Soomaaliya horumar ka sameyneyso dhanka kasta hadii ay noqon lahayd ammaanka iyo dhanka adeegyada bulashada.
Daafeet.Com