Gudomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur ooka hadley hoos u dhaca ku yimid Dolarka

0
51

tarsanGudoomiyaha gobolka banaadir Max’ud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa ka hadlay hoos u dhaca lacagta doolaraka iyo sara u kaca maciishada oo maalmahan jahawareer galisay shacabka reer muqdisho.

Max’ud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa ganacasatada ku eedeeyey in ay ka dambeeyaan qiima korarka maciishada quutal daruuriga iyo hoos u dhaca sarifka lacagaha doolarka, isagoona ugu baaqay in ay u naxaaan shacabkooda.

Sidoo kale Tarsan gudoomiyaha gobolka banaadir ayaa shacabka soomaaliyeed kula taliyey in mudo laba bilood ah ay isticmaalaan qeyraadka dalka ka baxa sida, galayda, masagada iwm. isla markaana ay iska daayaan cunada dibada laga keeno sida baastada iyo bariiska oo ganacasatada ay qaali ka dhigeen.

Si kastaba arintu ha ahaatee hoos u dhaca qiimaha doolarka ee ka jira dalka somaliya ayaad waxaad moodaa in xukuumada ay indhaha ka eegeyso maadaama aysan si buuxda waxba uga qaban karin arintaas ayada ah, Ganacsatadana waxaad moodaa sidii caadada eheyn in eysan wax naxariis ah u hayn shacabka oo ey ka fikirayan uun sidii ey u dhici lahaayeen shacabka.

Daafeet.Com