Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose, Cabdulqaadir Maxamuud Nuur Siidii ayaa ugu baaqay dadweynaha ku nool gobolka inay gacan ka geystaan ilaalinta amniga guud ee gobolka.
Guddoomiyaha oo ka hadlay munaasabad ka dhacday degaanka Awdheegle, ayaa sheegay in doorka shacabka ee amniga yahay kan ugu weyn ee wax looga qaban karo kooxaha qaska iyo nabad-gelyo darrada ka wada Shabeelaha Hoose
Siidii ayaa ku nuuxnuuxsaday in maamulka gobolka ay ka go’an tahay in la cirirbtiro kooxaha argagixisada ee xiriirka la le ee al-shabaab oo muddo dheer dhibaatooyinka ku hayay shacabka.
Cabdulqaadir Maxamuud Nuue wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay isbeddelka ka jira Shabeelaha Hoose, wuxuuna ballan-qaaday in taageero weyn loo fidin doono dadka beeraleyda ah si dhaqaalaha gobolka uu dib ugu soo kacto.
Daafeet.Com