Gudoomiyaha G/ka Bay ayaa Socodaal kusoo maray qar kamid ah Suuqa Magaalada Baydhabo & Xaafadaha Magaalada.
Gudoomiya G/ka Bay Dr.Abdi Aadan Hoosow Socodaalkiisa Ugu horeeyey ayaa waxa uu ku tagay Suuqa wayn ee Magaalada Baydhabo & Xaafada Cadaada oo kamid ah Xaafadaha Magaalada Baydhabo.
Gudoomiye Hoosow ayaa ugu horeyn Xariga Kajaray Mashruuc oo lagu dayactiraayay qaar kamid ah Wadooyinka Magaalda Baydhabo. Kaasoo ay Wadeen Ururka Dhalinyarada & Isboortiga G/ka Bay.
Dr. Hoosow ayaa Sheegay inwadaniyadu ay tahay shay qaali ah islamarkaana loo baahanyahay in xooga lasaaro Arimaha Bulshada, ayadoo wadaduna qayb ay katahay Horumarka Bulshada .
Gudoomiye Dr. Hoosow ayaa sheegay in Mar uu kusugnaa Dalka Dibadiisa uu lakulmay dhacdo ahayd qashin uu wadada kutuurey in mudo ah ay haweenay dabajoogtay islamarkaana markii danbe ay kahartay Taasna ay Muujinayso Xaqa uu Muwaadinka kuleyahay Dalkiisa & Dadkiisa.
Hoosow ayaa qeyb ka ahaa Mashruucan lagu dhagax dhigaayay Qaar kamid ah wadooyinka Magaalda Baydhabo asagoona Balan ku qaaday Wadooyinka Harsan inuu dhisi doono
Intuu kuhowlanaa Socdaalkiisa aya waxa uu lakulmay dad aad u tiro badan oo ay kamidka ahaayeen Caaruurta Baalashliyaasha waxgaradka & Malaaqyada.
Gudoomyaha Ayaa Shacabka waxa uu waydiistey Talooyin wuxuna kacodsaday in ay Uduceeyaan Maamulkiisa.
Booqashado waxay qayb ka ahayd isbitaalka wayn ee Magaalda Baydhabo oo ay kujiraan Bukaano tiro badan oo ay kamidka yihiin Caruur & Haween.
Gudoomiyaha aya kulan laqaatay Maamulka & Shaqaalaha Isbitaalka wayn ee Magaalda Baydhabo wuxuuna ku booriyey in ay sii laba laaban howlaha horyaala Asagoona ugu baaqay Jaaliyadaha Gobolkan in ay kaalmooyin wax ku ool ah lasoo gaaraan Bukaanada Jiifa Isbitaalka Baydhabao Janaay.
Daafeet.Com