Kalfadhi ay maanta isugu imaanayaan xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay dib u eegis ku sameyn doonaan qodobo dhowr ah oo ku jira Dastuurka KMG ee dalka Soomaaliya.
Xildhibaan Nuur Faarax oo kamid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka maanta Baarlamaanka isugu imaanayo uu yahay kulamadii joogtada ahaa ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in shuruuc kala duwan laga doodayo maanta sidoo kalena ay qeyb ka tahay shuruucda laga doodayo qodobo kamid ah Dastuurka dalka oo dib u eegis lagu sameynayo.
Dib u eegista Dastuurka ayuu sheegay in qodob waliba loo eegayo inuu ka haboon yahay waxa uu ka turjamayo iyadoo xubnaha Baarlamanka Soomaaliya ay si aad ah uga doodi doonaan.
Daafeet.Com