Midowga Africa oo soo dhaweeyey mudada Halka Sano ah ee loogu darey

0
78

africaUrurka Midowga Africa ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,kaasi oo mudada halka sano ah loogu kordhiyay ciidamada Midowga Africa ka socda ee Xukuumada Soomaaliya gacanta siinaya iyo Cunaqabateyntii Hubka ee Soomaaliya laga qaaday.

Afhayeenka Midowga Africa ahna madaxa arimaha Bulshada Eloi Yao,ayaa The Standard u sheegay in halka Sano ee loo kordhiyay ciidamada AMISOM ay ahayd mid loo baahnaa si horay loogu dhaqaajiyo dib u dhiska iyo dagaalada Al-shabaab lagula jiro,isagoo dhanka kale ka hadlay hagaajinta ciidamada qaranka Soomaaliya.

Mdiwoga Africa ayaa sheegay in arintaan mudo kodrhinta fursad ay tahay oo ku aadan inay sii wadaan dagaalada kaga soo horjeedaan Al-shabaab,iyagoo sidoo kale amaanay cunaqabateynta hubka laga qaaday Soomaaliya taasi oo mudo sanado ah Soomaaliya xayiraada hubka ah saarneyd.

Afhayeenka Midowga Africa ahna Madaxa arimaha bulshada,ayaa hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan taageerada Malitari iyo Mida Maaliyadeed ay siinayaan Soomaaliya oo haatan ka ifeysa nabad iyo xasilooni.

Daafeet.Com