Reysulwasaare Saacid oo maanta u ambabaxay Magalada Garoowe

0
86

saacid-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u kicitimey Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal halkaasi oo lagu wado inay kulamo kala duwan kula soo qaataan madaxda maamulka Puntland.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Qaban qaabo ballaaran oo Ra’iisul Wasaaraha lagu soo dhaweynayo ayaa ka socota Magaalada Garoowe halkaasi oo garoonka Garoowe ay ku sugan yihiin madaxda Puntland.

Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa si aad ah loo adkeeyay iyadoo ciidamada ammaanka ee Puntland ay xireen wadada dheer ee ka timaada dhanka Garoonka ee gasha Magaalada.

Daafeet.Com